Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay inay ciidan ka qoranayso gobolka Sanaag
Sheeko:War

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay ciidamo ka qoranayso gobolka Sanaag, si ay warbaahinta u sheegeen masuuliyiin ka tirsan DFS oo gobolkaas ka soo jeeda.
Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xildhibaan Geesood oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay inay gobolka joogaan ciidan dadka deegaanka ah oo doonaya inay ku biiraan xoogga dalka, asagoo sheegay in arrintaasi ay tahay waajib dowladdu leedahay oo aan cidna halis ku ahayn.
Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Puntland uu dhowaan ka digey ciidamo uu sheegay inay dowladdu ka qoranayso deegaannada maamulkiisa, taas oo uu ku tilmaamay mid nabad-gelyada halis ku ah.