U bood dhigaalka

In ka badan 50 qof oo ku geeriyooday fatahaado maasheeyay gobolka Texas ee dalka Mareykanka

Sheeko:War

Ugu yaraan 43 qof oo ay ku jiraan 15 carruur ah ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen kadib fatahaado degdeg ah oo ka dhacay bartamaha gobolka Texas, sida ay sheegeen hay’adaha gurmadku.

Gurmad xoogan ayaa wali socda, waxaana la raadinayaa dad badan oo ka mid ah dadka deegaanka, dalxiisayaal iyo carruur ku sugnaa xerooyin waqti fasaxeedka lagu qaato, kuwaas oo weli la la’yahay.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in tirada dadka dhintay ay kordhi karto maadaama fatahaaddu ay saameysay deegaanno badan oo ka baxsan goobta ugu weyn ee musiibada, gaar ahaan halka loo yaqaanno Kerr County.

Mas’uul ka tirsan gobolka Travis ayaa sheegay in 4 qof halkaas ku dhinteen, 13 kalena aan la hayn, Sidoo kalena hal dhimasho ayaa laga soo wariyay gobolka Kendall, ayadoo Warbaahintu ay sheegeyso in tirada dhimashada ay gaarayso ilaa 52 qof.

Dadka la la’yahay waxaa ka mid ah 27 gabdhood oo ka tirsanaa xero fasaxeedka <span;>Camp Mystic<span;>, sida uu sheegay Maareeyaha Magaalada Kerrville, Dalton Rice, oo shir jaraa’id oo uu qabtay uga hadlay arrintaas.