Dagaal iyo Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Deegaanka Gumare

Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo geesiyaasha deegaanka ayaa maanta ka hortagay weerar ay kooxda Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Gumare oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Dagaal culus ayaa ka socday aagga deegaanka, waxaana saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ay sheegeen in la jebiyay Shabaabkii weerarka soo qaaday, iyadoo firxadkooda la sii baacsanayo.
Wararka ayaa sidoo kale xaqiijinaya in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay isla deegaanka Gumare, hase yeeshee wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi.
Waxaa la sheegay in khasaaro culus lagu gaarsiiyey Shabaab, iyadoo meydadka qaar ka mid ah dagaalyahanadooda ay yaallaan goobaha lagu dagaallamay.
Tirakoobka dhimashada iyo dhaawaca wali wuu socdaa, mana jiraan xog rasmi ah oo madax bannaan oo ilaa hadda xaqiijin karta khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac.
Xaaladda deegaanka ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo dadka deegaanka ay cabsi ka qabaan in dagaalku sii fido.