U bood dhigaalka

Waa sidee xaaladda magaalada Mokho-kori?

Wararkii ugu dambeeyay ee inaga soo gaaraya Magaalada Mokho-kori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay haawanaysa ka dib markii dagaallo xooggani ka dheceen, islamarkaana maamulkii iyo ciidamadii ku sugnaa ay isaga baxeen.

Guddoomiyaha ku xegeenka maamulka Mokho-kori oo la hadlay goobjoog ayaa xaqiijiyay magaalada Alshabaab ay la wareegeen, balse muddo kooban ka dib ay isaga bexeen, dhammaan dadkii ku noolaana ay horay uga bara-keceen.

Magaalada Mokho-kori ayaa ku taalla waddo halbowle u ah isku socadka Muqdisho iyo gobollada dhexe ee dalka, balse waxay 40 KMR ka yar u jirtaa Magaalada Aayadan yabaal oo ay bilo ka hor gacanta ku dhigeen kooxda Alshabaab.