Ammaanka Laascaanood oo aad loo adkeeyay iyo shirweyne magaaladaas ka furmaya

Ammaanka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ahna caasimadda SSC-KHAATUMO ayaa si weyn loo adkeeyay xilli maanta uu halkaas ka furmayo shirka dhammaystirka maamulkaasi.
Hay’adaha nabad-gelyada SSC-Khaatumo ayaa soo saaray amarro culus oo ku aaddan nabad-gelyada, ayadoo gudaha magaalada laga mamnuucay hubka iyo gaadiidka, islamarkaana la koobay tirada ilaalada madaxda halkaas ku sugan.
Wasaaradda amnigu waxay sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo u hoggaansami waysa amarrada iyo habraacyada nabad-gelyada lagu xaqiijinayo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed dhowaan soo baxay.
Laascaanood ayaa waxaa ku sugan masuuliyiin heer federaal ah iyo ergooyin ka socda gobolka Sanaag, kuwaas oo ka qeyb-galaya shirweynaha dhammaystirka dowlad goboleedka cusub ee la doonayo in deegaannadaas loo sameeyo.