NISA oo sheegtay inay 13 xubnood oo Alshabaab ah ku dishay hawlgallo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo qorsheysan ay ka fuliyeen deegaannnada Qoordheere, Xawaala-kulan, Reydableey iyo Ceelbaraf oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe,waxay sheegeen inay ku dileen ilaa 13 xubnood oo Alshabaab ah, kuwaas oo hoggaamiyaal sar sare ay ku jiraan.
Howlgalka ka dhacay deegaanka Qoordheere oo hoostaga magaalada Raaga-ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa lagu beegsaday koox Alshabaab ah oo afartii maalin ee u dambeysay isku abaabulayay halkaas, iyada oo howlgalka lagu dilay ilaa afar xubnood, islamarkaana lagu burburiyay Teendhooyin iyo keyd hub ah oo ay ka sameysteen geedaha hoostooda, sida ay NISA sheegtay.
Dhanka kale, inta u dhaxeysa deegaannada Xawaala-kulan iyo Reydableey ee isla gobolkaas Shabeellaha Dhexe, waxaa lagaga hortagay dagaalamayaal ka tirsan kooxda oo halkaas ka waday is abaabul, waxaana isla goobta lagu dilay shan xubnood oo isugu jiray dabley iyo hoggaamiyaal, sida ay hay’addu tilmaantay.
Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa gubdhig u noqday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, balse howlgallada iyo iska hor imaadyada halkaas ka socda ayaa haatan u muuqda kuwo ku dhifo oo ka dhaqaaq ah markii loo eego gulufkii militari ee sanado ka hor sida xawliga ah deegaannadaas uga socday.