U bood dhigaalka

Qaar kamid ah Isimadda SSC-KHAATUMO oo ka soo horjeestay shirka dhammaystirka maamulkaas ee ka socda Laascaanood

Qaar kamid ah Isimadda deegaannada SSC-KHAATUMO ayaa si weyn uga horyimid shirka dhammaystirka maamulkaas ee ka socda magaalada Laascaanood, kaas oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ay garwadeen ka tahay.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah garaadka guud ee deegaannadaas ayaa sheegay in qaabka shirku u socdaahi aanu ahayn mid loo dhanyahay oo dhinacyada uu khuseeyaahi ay si buuxda uga wada tashadeen, wuxuuna tilmaamay in dadka gobolka Sanaag aysan mudnayn in aragtida waxgaradkooda la tixgelin waayo.

Sidoo kale masuuliyiin kale oo ku sugan Laascaanood ayaa salluug ka muujiyay sida ay wax u socdaan, ayadoo Isimo iyo siyaasiyiin ka hadlay gobolka Sanaagna ay sheegeen inaysan qeyb ka ahayn shirka ka socda Laascaanood, islamarkaana aan cidina ku matalin.

Dhinaca kale Baarlamaanka SSC-Khaatumo ayaa meelmariyay shirka dhammaystirka maamulkaas, ayagoo sidoo kale qalinka ku duugay in doorashada madaxnimada deegaannadaasi ay xilligii loo qorsheeyay ku dhacdo.

Si kastaba ha ahaatee DFS iyo hoggaanka SSC-KHAATUMO ayaa dadaal uga jira in la dhammaystirka maamulkaas oo ay ku midoobayaan gobollada Sool, Sanaag, iyo qeyb kamid ah Together, balse caqabado iyo is diidooyinka badan ayaa arrintaas ku hor gudban.