U bood dhigaalka

Diiwaangelinta Doorashada Qof iyo Cod oo Si Rasmi ah uga Bilaabatay Jowhar

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta si rasmi ah looga daahfuray diiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka qof iyo cod ah.

Tallaabadan ayaa ah mid muhiim u ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka, iyadoo la rajeynayo in dadweynuhu ay si toos ah uga qayb qaataan doorashada, inkastoo maamullada dalka iyo siyaasiyiinta qaarkood ay ka soo horjeedaan.

Hirshabeelle oo noqanaysa dowlad goboleedkii seddaxaad ee is diiwaangelintu ka billaabatay ayaa Waxaa la arkayay dadweyne tiro badan oo safaf dhaadheer ugu jira xarumaha diiwaangelinta si ay u helaan kaararka codbixinta.

Mas’uuliyiinta guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in diiwaangelintu ay socon doonto muddo cayiman, islamarkaana la rabo in dhammaan shacabka ay ka faa’iideystaan fursaddan si ay u coddeeyaan.

Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey u shaaciyay in la dardargelin doono hannaanka doorasho ee qof iyo cod ah, si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan doorasho xor iyo xalaal ah.

Amniga magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada ammaanka ay sugayaan nabad-gelyada goobaha diiwaangelinta si loogu suuro-geliyo in dadweynuhu ay si nabad ah uga qayb qaataan howlaha doorashada.

Diiwaangelinta ka socota Jowhar ayaa noqonaysa mid ka mid ah tallaabooyinka ugu horreeya ee dhanka hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo la qorsheynayo inay ka dhacdo guud ahaan dalka, waxayna horay is diiwaangelintu uga billaabatay deegaannada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.