U bood dhigaalka

NISA oo howlgal qorsheysan ka fulisay gobolka Hiiraan

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa ku dhawaaqday in ay guul weyn ka gaartay howlgal qorsheysan oo ay xalay ka fuliyeen tuulada Buulo-Xoog ee hoos timaada deegaanka Buq-Aqable, gobolka Hiiraan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, howlgalkaas ayaa lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab, waxaana sidoo kale lagu burburiyay labo gaari oo nooca xamuulka ah kuwaas oo siday hub iyo maleeshiyaad.

NISA waxay sheegtay in howlgalka uu ku saleysnaa xog sirdoon oo laga helay dhaqdhaqaaqa gaadiidka Shabaab, iyadoo weerarka si xeel dheer loo qorsheeyay marka ay gaadiidku ka soo laabteen deegaanka Shaw kuna sii jeedeen Buq-Aqable.

Hay’adda ayaa xaqiijisay in goobta la beegsaday laga helay caddeymo muuqaal ah, kuwaas oo muujinaya hubka iyo gaadiidka ay wateen maleeshiyaadka la laayay. NISA waxay ballan qaaday in muuqaaladaas loo soo bandhigi doono shacabka Soomaaliyeed si ay u ogaadaan jabkii Shabaab.