U bood dhigaalka

Dhaqdhaqaaqa Badda Raadinta Itoobiya iyo Qorsheyaasheeda Qarsoon ee Soomaaliya & Ereteriya

Itoobiya waa dal ku yaalla Bariga Afrika oo aan bad lahayn tan iyo 1993 xilligaas oo ay Ereteriya madax-bannaanideeda ka qaadatay, islamarkaana ay noqatay dowlad xiran.

Tan iyo xilligaas, Itoobiya waxay la daalaa-dhacaysay dhibaatooyin ay sheegtay inay biya la’aanta ka dhasheen, waxayna dadaal ugu jirtay sidii ay marin badeed u heli lahayd, iyadoo baahi weyn u qabta inay si xor ah u gaarto badda oo ay uga faa’iidaysato ganacsigeeda iyo amnigeeda.

Arrintan ayaa dhalisay in Xukuumadda Addis Ababa ay billowdo dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed iyo kuwo millatari oo xasaasi ah, iyadoo si gaar ah diiradda u saaraysa dalalka Soomaaliya iyo Ereteriya.

Ujeeddooyinka Itoobiya ee Badda Raadinta

Itoobiya waxay leedahay dhowr ujeeddo oo muhiim ah oo ay u aragto inay uga xiranyihiin helista marin badeed, kuwaas oo ay kamid yihiin isku-xir Ganacsi, Istaraatiijiyad Amni, iyo is ballaaran dhuleed.

Itoobiya waxay rabtaa in aysan si buuxda ugu tiirsanaan hal keliya, si aysan khatar siyaasadeed ama millatari ula kulmin, waxayna doonaysaa inay joogitaan madax-bannaan ku yeelato badweynta Hindiya iyo badda-cas midkood.

Qorsheyaasha Itoobiya ee Soomaaliya

Itoobiya waxay si gaar ah isha ugu haysa xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca Xeebaha Soomaaliland oo juquraafi ahaan uga dhow deegaannada kale, waxaana damacaas si weyn loogu baraarugay bishii Janaayo ee sanadkii 2024 xilligaas oo Addis Ababa ay heshiis la gashay Xukuumaddii Muuse Biixi.

Qorshaha Qarsoon ee Itoobiya 

Waxaa lagu tuhunsan yahay in Itoobiya ay damacsan tahay in ay si buuxda ula wareegto qeyb kamid ah badda Soomaaliya ama Ereteriya oo saldhigyo badeed ay ka samaysato, islamarkaana saameyn xooggan ku yeelato xeebaha deegaannada Somaliland, gaar ahaan dhinaca gacanka cadmeed oo ah aag istiraatiiji ah.

Damacani ma ahan keliya mid maskaxda hoggaan Itoobiya ka guuxaya, balse waa istiraatiijiyad fog oo fulinteedu ay mar hore billaabatay, waxayna Xukuumadda Addis Ababa bilihii la soo dhaafay qaatay tillaabooyin ay qalabaynayso ciidankeeda badda iyo kuweeda cirka.

Qorsheyaasha Itoobiya ee Ereteriya

Itoobiya iyo Ereteriya waxaa dhawr mar dhex maray dagaallo culus intii u dhexaysay1998–2000, balse xiriirkooda ayaa soo wanaagsanaaday kadib heshiiskii nabadeed ee 2018, waxaa’se bilihii la soo dhaafay ka dhex aloosnaa khilaaf xooggan oo hadda qarka u saaran gacan ka hadal militari.

Itoobiya waxay raadineysaa in ay isticmaasho dekedaha Massawa iyo Assab ee Ereteriya,balse xiriirka labada dal ayaa markale noqday mid xasillooni la’aan ah kadib kacdoonada gudaha Itoobiya ah iyo is-aaminaad la’aanta labada hoggaan.

Si kastaba ha ahaatee Itoobiya waxay ku jirtaa diyaar-garow dagaal iyo dhaqdhaqaaqyo xooggan oo bad raadin ah, balse Soomaaliya dhankeeda ma muuqato istaraatiijiyad wax ku ool ah oo ay ku wajihi doonto haddii Addis Ababa ay qaaddo tillaabo militari.