Booliiska Soomaaliya oo xiray sargaal lagu eedeeyay inuu jirdiley gabar shacab ah
Sheeko:Warar & Warbixino

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in la xiray Mid/le Axmed Nuur Maxamuud, oo ka tirsan ciidanka , kaddib markii lagu eedeeyay in uu ku kacay fal xadgudub ah oo ka dhan ah gabar muwaadinad Soomaaliyeed ah.
Falkan xun ayaa si toos ah uga horjeeda shuruucda dalka iyo anshaxa ciidanimo ee ay ku dhaartaan saraakiisha amniga, sida lagu yiri war saxaafadeed uu saaray Taliska Ciidanka Booliisku.
Si uu u dhaqmay sargaalkan adeegsanayay awoodda dowladda ayaa si weyn loo cambaareeyay, wuxuuna Taliska Ciidanka Booliisku sheegay in Eedeysanaha loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si loogu waafajiyo sharciga dalka.