U bood dhigaalka

Puntland oo DFS oo ku eedeysay dagaalkii maanta ka dhacay Dhahar

Dowlad goboleedka Puntland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay dagaal u dhexeeyay laba ciidan oo maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, balse haatan Puntland aqoonsantahay Haylaan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland iyo maamulka Dhahar ayaa si adag u cambaareeyay dagaalkii maanta oo khasaare badan sababay, waxayna masuuliyadda toos dusha uga saareen DFS.

Dagaalka ka dhacay Dhahar ayaa ks dhex qarxay laba ciidan oo kala taabacsan Puntland iyo maamulka Maakhir, waxaana ku geeriyooday dad ku dhow 10 qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah.