Waa sidee xaaladda Dhahar oo saacado ka hor uu dagaal xooggani ka dhacay ?
Sheeko:Arrimaha Amniga

Xaaladda Dhahar ayaa saaka deggan ka dib markii dagaal xooggani uu shalay gelinkii dambe ilaa xalay ka socday, waxaana magaalada ku wada sugan ciidamadii iska hor imaadku dhex maray oo ka kala tirsan Puntland iyo Maakhir.
Waxgaradka deegaanka ayaa wada dadaallo ay ku doonayaan inay kaga hortagaan dagaal mar kale ka dhaca halkaas, waxaana isha lagu wada hayaa Xaaladda amni ee Dhahar oo aan la ogeyn sida ay ku dambeyn doonto.
Dagaalkii shalay ka dhacay magaalada ayaa sababay khasaare nafeed oo gaaraya 6 qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca tiro kale, waxayna wararku intaas ku darayaan in xaafadaha qaar laga barakacay.