Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgal ay ciidamadu ka fuliyeen deegaannno ka tirsan Jubbada Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ay ciidanka gaarka ah ee DANAB iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka fuliyeen deegaannno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Warka ay dowladdu soo saartay ayaa lagu yiri “Ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa fuliyay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Harboole ee gobolka Jubada Hoose, kaas oo si toos ah loogu beegsaday horjoogayaal iyo xubno sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Hawlgalka ayaa lagu dilay xubno Alshabaab ah oo muddo dheer ku jiray liiska dadka la baadi-goobayo, kuwaas oo ku lug lahaa falal argagixiso iyo afduubyo ka dhacay gudaha dalka iyo wadamada deriska ah.
Intii uu hawlgalka socday, ciidanku waxay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ay kooxdu adeegsan jirtay”.