Maxaa ka dhalan kara haddii ay Puntland si buuxda ula wareegto markabka Hubka ah ?

Ciidanka ilaalada xeebaha dowlad goboleedka Puntland ayaa saacado ka hor gacanta ku dhigey markabka sida saanad militari oo isugu jirta hub culus iyo gaadiid dagaal oo casri ah, waxaana hadda markabka loo soo wareejiyay dekedda magaalada Boosaaso.
Weli si rasmi looma xaqiijin, balse xogaha ugu xooggani waxay sheegayaan in hubkaasi uu u socda dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana la doonayay in lagu qalabeeyo ciidamada Federaalka qeybahooda kala duwan.
Dhinaca Puntland oo khilaaf xooggani kala dhexeeyo DFS ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin markabkan iyo waxa ay ka yeelayaan, balse siyaasiyiinta deegaannadaas ayaa maamulka Siciid Deni ku cadaadinaya inay Puntland hubkaas qaadato oo la degto.
Haddaba maxaa ka dhalan kara haddii ay Puntland hubkaas la wareegto ?.
Ugu horreyn Puntland ma ahan jabhad ama dal cadowgiisa hub ka qabsaday ee waa maamul sharci ah, sidaas awgeed Garoowe hubkan way kula gorgortami kartaa dowladda Federaalka Soomaaliya, balse inay xoog kula wareegto ayaa keeni karta saameyn siyaasadeed oo hannaanka Federaalka fasiraad cusub ka bixin doonta.
Sidoo kale arrintaas waxaa ka dhalan karta Cawaaqib xumo Sharci iyo xadgudub Caalami ah, haddii la ogaado in hubkaasi uu hab sharci ah ku socday, islamarkaana oggolaansho dowladeed haystay.
Sida ay qabaan xeeldheereyaasha Puntland oo ah maamulka labaad ee ugu faca weyn dowlad deegaannada dalku uma dhaqmi karto sidii dadka reer Caabudwaaq, balse sii daynta hubkan way ku gorgortami kartaa, shuruudona way ku xiri kartaa maadaama Federaalka khilaaf xooggani kala dhexeeyo.
Si kastaba ha ahaatee hubkani waa layli isha lagu hayo oo horyaalla Puntland, islamarkaana lagu qeymayn doono hab dhaqanka iyo qaan-gaarnimada maamulka ee xukuumad Garoowe oo haatan sumcad weyn iyo saameyn aan la dhayalsan karin ku leh siyaasadda Soomaaliya.