U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeeyay ee markab hubka ah ee ay qabatay Puntland

Xogo kala duwan ayaa ka soo baxaya markab la sheegay inuu hub sido oo ciidamada Ilaalada xeebaha dowlad goboleedka Puntland ay saacado ka hor ka qabteen aagga magaalada Bareedo ee gobolka Bari.

Markabkan oo ilaa hadda aan la caddayn cid rasmiga ah uu hubka u wado ayay wararka qaari sheegayaan inuu ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho, islamarkaana shixnadda uu wado ay dowladda Soomaaliya ka soo dhoofsatay Turkiga.

Sidoo kale xogo kale ayaa sheegaya in markabku uu ka diiwaangashanyahay jasiiradda Komoroos, islamarkaana uu hubka ka soo qaaday dalka Azerbaijan op dhowaan dowladda Soomaaliya ay heshiis difaaca iyo kuwo hormarineed la gashay.

Ilaa hadda dowladda Soomaaliya arrintan kama hadlin, balse Puntland oo uu khilaaf xooggani kala dhexeeyo DFS ayaa la eegayaa waxa ay saanaddan militari ka yeesho, waxayna xeeldheereyaasha ammaanka qaarkood walaac ka muujinayaan in hubkaas loo qaato sida midkii lagu bililiqaystay degmada Caabudwaaq.

Dhinaca sharciga Puntland waxay xaq u leedahay inay xaqiijiso waxa uu markabku sido iyo meesha rasmiga ah ee uu ku socdo, balse in hubkaas si qaldan looga faa’iidaysto ayaa sawir kale ka bixin doonta hannaanka Federaalka ah oo mararka qaar cadaawad maamul iyo is diidooyin horseeda.