U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo ka hortagtay qorshe halis ah oo ay Itoobiya damcsanayd

Sheeko:War

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hortagtay qorshe halis ah oo ay Itoobiya damcsanayd, kaas oo ay doonaysay inay saameyn ku yeelato badda Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in DS ay diiday inay ka qeyb-gasho dhoolatus ay saamayn lahaayeen ciidamada heeganka ah ee dalalka bariga Afrika, kaas oo haddii xeebaha Soomaaliya lagu qabto ay ciidanka badda Itoobiya ka qeyb-geli lahaayeen.

Itoobiya oo horay u diiday inay ka baxdo gobollada ay ciidamadeedu ka joogaan dalka ayaa dhowaan maleegaysay qorshe ay ciidamadeeda badda oo magaca howlgal nabad-ilaalin ah ku gambanayaahi ku soo gaari lahaayeen xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Fiqi ma sheegin magaca dowladda Itoobiya, balse wuxuu tilmaamay inay diideen in ay dhoolatuskaas ay kala qeyb-galaan dalal aan bad lahayn oo muran kala dhexeeyay Soomaaliya, taas oo lagu fasiri karo Itoobiya maadaama dalalka kale ee aan badda lahayn ku jira ururkan aan Soomaaliya xiisadi kala dhaxayn.

Xukuumadda Addis Ababa oo horay u shaacisay inay xoog iyo xeeladba I adeegsan doonto helitaanka bad ay maamulato ayaa marba qorshe cusub la imaanaysa, ayadoo haatan isha ku haysa xeebaha Soomaaliya iyo Ereteriya.