U bood dhigaalka

Soomaaliland iyo Puntland oo Beesha Caalamka ka dalbaday in dib loo eego cunaqabatayntii hubka ee laga qaaday Soomaaliya

Soomaaliland iyo Puntland oo labaduba ka hadlayay markabkii hubka siday ee lagu qabtay xeebaha Puntland ayaa sheegay in cunaqateyntii hubka ee laga qaaday dalku ay ahayd khalad aan laga fiirsan, islamarkaana arrintaasi ay halis ku tahay xasilloonida gobolka geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda goboleedka Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay in cunaqabatayntii hubka ee Soomaaliya laga qaaday ahayd tillaabo khaldan, asagoo sheegay in beesha caalamku ay arrintaas hal dhinac kala macaamisha, islamarkaana hubka dalka la keenayaahi uu hal deegaan gacanta u galayo.

Juxa wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay weli kala qaybsan tahay, islamarkaana aan amnigeedu sugnayn, Dawladnimo iyo sharciyad heshiis lagu yahay aysan ka jirin, sidaas darteed hubka cunaqabatayntiisa laga qaaday ay isku adeegsan karto maadaama aan dagaalladii sokeeye weli laga soo kaban.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in go’aankii Qarammada Midoobay ay cunoqabataynta hubka uga qaaday Soomaaliya uu cawaaqib xun ku yeelashay xasiloonida gobolka Geeska Afrika, asagoo beesha caalamka ka dalbaday in dib u eegista degdeg ah lagu sameeyo cunaqabatayntii hubka ee Soomaaliya laga qaaday.

Soomaaliya oo cadow gudaha ah iyo mid dibedda ahba wajahaysa, islamarkaana kumanaan ciidamo shisheeye ahi ay magac nabad ilaalin ah ku joogaan ayaa doonaysa inay amnigeeda si buuxda ula wareegto, islamarkaana ciidankeeda qaranka dib u dhisato, balse xiisadaha siyaasadda ee uu sababay hannaanka Federaalku ayaa abuuray kala qeybsanaan xooggan oo wax walba laysku haysto.