U bood dhigaalka

Muxuu yahay nuxurka war-saxaafadeedka ay Puntland ka soo saartay arrinta markabka Hubka ?

Sheeko:War

Muxuu yahay nuxurka war-saxaafadeedka ay Puntland ka soo saartay arrinta markabka Hubka ?

Dowlad Gobaleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed hordhaca ah ka soo saartay markabka Sea world oo haatan lagu hayo dekedda Boosaaso, islamarkaana sida shixnad hub oo aan ilaa hadda cidina sheegan.

Puntland waxay sheegtay in markabku uu dhawr maalmood sharci-darro ku joogay xeebaha maamulkaas, islamarkaana aysan jirin wax wargelin ah ama caawimaad uu soo weydiistay dhinacooda, taas oo meesha ka saaraysa cudur-daarka cilladda.

Sidoo kale Xukuumadda Siciid Deni waxay cuskatay qodobo kamid ah xeerarka caalamiga ah uu ay sheegtay inay xaq u siinayaan inay markabkaas baaritaan ku samayso, islamarkaana tillaabo sharci ah ka qaado asaga iyo ciddii  arrintiisa ku lugyeelataba.

Dhanka kale Puntland waxay sheegtay in markabkaasi uu halis ku yahay amnigeeda iyo jiritaankeeda, islamarkaana laga soo qabtay asagoo ku sugan aag dagaal oo ay ka dhowyihiin dagaalameyaasha kooxda Daacish.

Si kastaba ha ahaatee inkastoo Puntland ay sheegtay inay weli markabka baaritaan iyo hubin ku waddo, haddana war-saxaafadeed hordhaca ah ayaa nuxurkiisa laga dhadhansan karaa inay Xukuumadda Deni qiil sharci u raadinayso sidii ay hubka ula wareegi lahayd, ka dibna ula degi lahayd.