Madaxweyne Laftagareen oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda amniga maamulkaas

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo ay wehliyeen wasiirrada wasaaradaha Amniga iyo Caddaaladda ee heer federaal iyo heer Dowlad-goboleedka, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismayaal cusub oo casri ah oo loo dhisay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Wasaaradda Caddaaladda ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Munaasabadda xarig-jarka ayaa ka dhacday xarumaha cusub ee wasaaradahan, kuwaas oo laga hirgeliyey magaalada Baydhabo oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, iyadoo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, wakiillo ka socday hay’adda IOM, saraakiil ciidan, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo.
Koonfur Galbeed ayaa kamid ah deegaannada ay kaabayaasha dhaqaalaha iyo casriyaynta adeegyada dowliga ahi sida xawliga ah uga socdaan, inkastoo duruufo amni ay ka jiraan meelaha qaar.