U bood dhigaalka

Howlgal Qorshaysan oo lagu beegsaday Saldhig Shabaab ku lahaayeen Duleedka Caad

Caawa fiidkii ayaa la qaaday howlgl qorshaysan oo ay iska kaashadeen culimada deegaanka Baxdo iyo Wisil, kaas oo si toos ah loogu bartilmaameedsaday saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen isgoyska Cadaleey ee duleedka magaalada Caad, Koonfurta Gobolka Mudug.

Howlgalkaan oo si xeel dheer loo diyaariyay ayaa ku dhammaaday guul, iyadoo lagu dilay 9 xubnood oo ka tirsan kooxda argagixisada ah.

Saldhigii ay kooxdu ku lahaayeen aaggaas ayaa gabi ahaanba la burburiyay, waxaana la rumeysan yahay in ay ka dhaceen khasaarooyin kale oo dhanka kooxda ah, inkastoo faahfaahin dheeraad ah aan la helin weli.

Saraakiisha deegaanka iyo culimada abaabushay howlgalka ayaa sheegay in tani ay qayb ka tahay iskaashi ballaaran oo shacabka iyo culimada gobolku ay ku wiiqayaan awoodda kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaysa deegaannada gobolka Mudug.

Howlgalkan ayaa muujinaya sida shacabka deegaanka iyo culimada ay ugu heelan yihiin ciribtirka kooxaha argagixisada ah, kuwaas oo dhib weyn ku haya amniga, nolosha, iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.