Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya oo ka qeyb-galay bandhigga caalamiga ah ee Hubka oo lagu qabtay Istanbul

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha CXDS, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa ka mid ah saraakiisha sare ee ka qayb galaysa Bandhigga Caalamiga ah ee Hubka iyo Tignoolajiyada Milatariga ee IDEF 2025, kaasoo ka socda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Bandhiggan oo ah mid sannadle ah oo lagu soo bandhigo tignoolajiyada ugu dambeysa ee dhanka difaaca iyo qalabka milatari, ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya maadaama uu fursad siinayo Ciidanka Xoogga Dalka in ay helaan aqoon iyo agab kor u qaada awoodda iyo tayada ciidanka.
Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in ka qeybgalka Soomaaliya uu yahay mid astaan u ah dib u dhiska ciidanka, isagoo tilmaamay in iskaashi lala sameeyo dowladaha iyo shirkadaha horumaray ay muhiim u tahay sugidda amniga iyo difaaca qaranimada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Xoogga Dalka ayaa ku hawlan dadaallo lagu horumarinayo ciidamada, si ay uga jawaabaan khataraha amni ee dalka ka jira, isla markaana ay uga hortagaan kooxaha argagixisada ah.