Warbaahinta Imaaraadka oo billowday dacaayado ka dhan dowladnimada Soomaaliya

Warbaahinta dalka Imaaraadka Carabta ayaa billowday dacaayado ka dhan ah dowladnimada Soomaaliya, xilli dalkaasi uu si weyn faraha ugula jira arrimaha gudaha iyo siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Maqaal dheer oo ay daabacday shabakadda Carab news oo dalkaas laga leeyahay ayaa lagu yiri “Inkasta oo Soomaaliya ay heshay taageero caalami ah oo ka badan balaayiin dollar, haddana ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa si sahlan ugu jabey weerarrada muddooyinkii u dambeeyay socday ee kooxda Al-Shabaab, taasoo sababtay in deeq-bixiyeyaashu ka niyad jabaan”
Carab news ayaa sidoo kale maqaalkeeda ku sheegtay in Kooxda Al-Shabaab, oo xariir la leh Al-Qaacida, ayaa dib u qabsatay degmada Moqokori 7-dii July iyadoo adeegsanaysa boqolaal dagaalyahanno iyo gaari qarax ku rakiban yahay, taasoo ahayd jabkii ugu dambeeyay ee dowladda Soomaaliya la kulanto sanadkan.
Warbaahintan oo soo xiganaysa nin magiciisa lagu soo gaabiyay Cabdi ayaa qortay in Alshabaab ay gacanta ku hayaan dhinacyada koonfurta galbeed iyo waqooyiga Muqdisho, taas oo ah dacaayad laf-jabis ku ah dowladnimada Soomaaliya.
Maqaalka oo aad u dheeraa ayaa lagu xusay in <span;>Deeq-bixiyeyaasha, gaar ahaan Mareykanku, aad bay uga cabsanayaan inay sii maal-geliyaan howlgalka Midowga Afrika, ayadoo taageerada dalalka Turkiga, Masar, iyo Qatar lagu tilmaamay mid lagu ilaashanayo dano gaar ah oo maalgeshi iyo faa’iido doon ah.
Imaaraadka Carabta oo siyaasad ahaan haatan Soomaaliya u walaaqaya, ayaa u muuqday in sidoo kale uu u soo jeestay inuu wiiqo dhinacyada ammaanka iyo midnimada dalka, ayadoo bilo ka hor dowladda dalkaasi ay Soomaaliland, Puntland, iyo Jubbaland ula si ka baxsan xushmadda uu leeyahay dal madax-bannaani.