U bood dhigaalka

DFS oo qiratay in Jubaland ay ka faa’iidaysatay dayac iyo kala qeybsanaan ay la kulmeen ciidankii joogay baladxaawo 

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashid Janan oo hadda dowladda federaalka ugu magacaaban taliyaha nabad sugidda gobolka Gedo ayaa sheegay in xuquuq la’aan ciidan iyo khilaaf u dhexeeyay saraakiil ciidanka xoogga dalka ee ku sugnaa baladxaawo ay sabab u noqdeen in Jubbaland ay arrimahaas si weyn uga faa’iidaysato, islamarkaana ciidamo badani ay dhankeeda u wareegaan.

Janan ayaa sheegay in dagaalkii maalmo ka hor magaaladaas ka dhacay uu u dhexeeyay ciidamo tiro yar oo boolis iyo nabad sugid ah iyo askar ka amar qaata saraakiil dhowaan la saftay dhinaca Jubbaland, ka dib markii ay ka biya diideen xil ka qaadis ay qaarkood dowladda federaalku ku samaysay.

Laba arrimood uu Jubbaland u sahlay inay qabsato xaruntii degmada, saldhiggii booliiska, iyo laanta hay’adda socdaalka ayuu ku sheegay inay yihiin ciidamo xuquuq la’aan ah oo ay siyaasiyiin Jubbaland ka socdaahi ka faa’iidaysteen iyo saraakiil xilka horay looga qaaday oo ku sugnaa gudaha degmada, asagoo intaas ku daray in taliyaashii dowladda u joogay magaaladaasi ay ku kaceen masuuliyad darro sababtay inay ciidanku kala jabaan.

Si kastaba ha ahaatee sida ay Cabdishariid Janan iyo masuuliyiin kale oo gobolka ku sugani sheegeen ma jiraan ciidamo Jubbaland ka socda oo magaalada la geeyay, balse Jubbaland waxay ka faa’iideystay kala qeybsanaan ciidan oo gudaha magaalada ka jirtay iyo ciidamo la kulmay xuquuq la’aan iyo habacsanaan maamul oo saraakiil dowladda Federaalku ay ku keceen, ayadoo la sheegay in tiro badan oo ciidankii Ereteriya lagu soo tababaray kamid ahi ay hadda ku biireen dhinaca Jubbaland.