Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxay howlgallo ka dahcau gobollada Mudug iyo Galgaduud

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay howlgallu ay ciidanka xoogga dalku ka fuliyeen deegaannno ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug, ayadoo la sheegay in howlgalladaas lagu beegsaday hoggaamiyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
War kooban oo ay baahisay warbaahinta dunidu ayaa lagu sheegay in Ciidamada Deegaanka magaalooyinka Baxdo iyo Wisil ay si wadajir ah u weerarareen saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Cadaleey ee duleedka magaalada Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug, ayadoo howlgalkaas lagu diley 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda.
Dhinaca kale ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal culus ka fuliyay deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Alshabaab, islamarkaana lagu burburiyay gaadiid iyo fariisimo ay lahaayeen, sida dowladdu sheegtay.
Deegaannada Galmudug ayaa kamid ahaa goobihii laba sano ka hor sida adag loogula dagaalamay kooxda Al-Shabaab, ayadoo degmooyinka gobolladaas oo dhan laga saaray kooxda markii laga reebo magaalada Ceelbuur iyo deegaanno kale.