U bood dhigaalka

Booliska Puntland oo gacanta ku soo dhigey nin shalay askar ku diley Garoowe

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Nugaal, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cali, kaasi oo loo haysto in uu 24-kii bishan Luulyo weerar toos ah ku qaaday ciidamo boolis ah oo ku guda jiray hawl-maalmeedkooda shaqo.

Weerarka uu ninkani fuliyay ayaa ka dhacay gudaha magaalada Garoowe, waxayna booliska Qaybta Gobolka Nugaal oo uu hoggaaminayo Taliyahooda G/Sare Maxamed Cali Axmed saacado ka dib gacanta ku soo dhigeen eedeysanaha, sida lagu yiri war kooban oo ka soo baxay Booliska Puntland.

Booliska ayaa xaqiijiyay in eedeysanuhu haatan uu ku sugan yahay xabsiga dhexe, iyadoo loo gudbin doono hay’adaha cadaaladda si uu u maro hannaanka sharciga ah ee waafaqsan falka uu ku eedaysanyahay.

Saacado ka hor magaalada Garoowe rasaas lagu furay askar Booliska ayaa sababtay dhimashada seddax ka tirsan ciidanka, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen dhacdadaas.