Howlgalka AUSSOM oo xaqiijiyay in ay wali gacanta ku hayaan Sabiid iyo Canoole

Shalay abaare 6:30 subaxnimo, dagaalyahanno katirsan kooxda Al Shabaab ayaa isku dayay weerar ay ku qaadaan saldhigyo ciidan oo ay joogaan ciidamada Midowga Afrika ee taageera nabadgalyada iyo xasilloonida Soomaaliya (AUSSOM) iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya kuwaas oo ku sugan deegaanka Sabiid iyo caanoole oo dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho.
Ciidamada wadajirka ah ee AUSSOM iyo SNAF ayaa si geesinimo leh u fashiliyey weerarkaasi, iyaga oo ku khasbay Shabaab inay dib u gurtaan si degdeg ah.
Intii lagu guda jiray dagaalka, dagaalyahanno badan ayaa lagu dilay halka kuwo kalena si daran loogu dhaawacay. Sidoo kale, hub iyo rasaas badan ayaa laga qabsaday kooxihii weerarka soo qaaday.
Ciidamada AUSSOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa weli gacanta ku haya saldhigyadii la beegsaday, kuwaas oo bishii Juun laga xoreeyay Al Shabaab.
Hawlgal milatari oo ballaaran ayaa haatan soconaya si loo baadi-goobo loona soo xiro inta hartay ee argagixisada.
AUSSOM waxay shacabka Sabiid-Anole iyo deegaannada ku dhow ku wargelineysaa in la adkeeyay ammaanka, isla markaana aan laga walwalin xaaladooda nabadgalyo.
Ciidamada iskaashanaya ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab si loo wiiqo awooddooda loona xoreeyo deegaannada ay wali kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose.