U bood dhigaalka

Muxuu daarranyahay safarka madaxweyne Xasan Shiikh ee dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti.

Madaxweynuhu inta uu Jabuuti ku suganyahay waxa uu  la kula kulmi doono dhiggiisa Mudane Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxda kale ee dalkaas, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka.