U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda iyo Shabaab oo ku dagaallamay deegaanka Ceelgorof

Dagaal culus ayaa saaka ka dhacay deegaanka Ceelgorof, oo ku yaalla inta u dhaxeysa Wabxo iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada deegaanka, kuwa dowladda iyo kooxda Al Shabaab.

Weerarka oo ay Al Shabaab ku qaadeen fariisimo ciidan ayaa sababay iska horimaad xooggan oo muddo saacado ah socday.

Wararka laga helayo goobta dagaalka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus, iyadoo dagaalkaas uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in dagaalka ay ku dhinteen dhowr xubnood oo ka tirsan dhinacyada dagaallamayay, oo ay ku jiraan saraakiil ciidan.

Inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in Al Shabaab dib loo riixay, haddana weli si rasmi ah looma xaqiijin faahfaahinta dhabta ah ee khasaaraha iyo sida ay wax u dhaceen, maadaama ay jiraan xogaha is khilaafsan ee kasoo baxaya dhinacyada kala duwan.