ciidanka dowladda iyo xoogagga deegaanka oo isaga baxay Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Kooxda Al-Shabaab ay soo galeen magaalada ka dib dagaal culus oo muddo saacado ah halkaas ka socday, kaas oo ugu dambeyn sababay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Macawisleydu ay ka baxaan.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dagaalku uu weli socdo, islamarkaana uu jiro khasaare naf iyo maalba leh, ka dib markii kooxda Alshabaab ay weerar qaraxyo ku bilowday saaka ku qaadeen Maxaas iyo deegaanno kale oo hoostaga.
Maxaas ayaa kamid ahayd meelaha ay saldhigyo istiraatiijiga ah ku lahaayeen ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira kooxda Alshabaab, ayadoo madaxweyne Xasan Shiikh uu booqday labo sano ka hor xilligaas oo ay ahayd goob muhiim ah oo laga abaabulo dagaalka Hiiraan iyo Shabeellaha ilaa Galmudug.