Hindia oo gargaar bani’aadamnimo u soo dirtay Soomaaliya

Dawladda Hindiya ayaa Soomaaliya u soo dirtay gargaar bani’aadamnimo oo gaaraya 10 tan, iyada oo taageero u muujinaysa shacabka Soomaaliyeed xilli uu dalku wajahayo dhibaato baahsan oo ay sababaan colaado soo jiitamay, isbeddelka cimilada iyo caqabado dhaqaale.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaa xaqiijisay arrintan, iyada oo qoraal lagu daabacay barta X (horay loogu yiqiin Twitter) uu ku sheegay Randhir Jaiswal oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda India in gargaarkaas oo isugu jira dawooyin, qalabka qalliinka, iyo sariiro ay Soomaaliya u direen.
Qoraalka waxaa lagu yiri:
“Gargaarka bani’aadamnimo ee Hindiya ay u fidinayso shacabka Soomaaliyeed wuu sii soconayaa, Gargaarkan oo ah 10 tan, waxa uu ka koobanyahay dawooyin muhiim ah, qalab qalliin, agabka isbitaalka lagama maarmaanka ah iyo qalabka caafimaadka casriga ah, waana la diray.”
Dowladda Soomaaliya oo dagaal joogto ah kula jirta kooxaha Alshabaab iyo Daacish ayaa waxaa isbitaallada dalka iyo Dibaddiisa u jiifa tobanaan askari oo ku soo dhaawacmay colaadaha sanadaha badan jiitamaya, ayadoo sidoo kale ay jiraan cudurro faafa iyo abaaro dadka deegaannada qaar saamayn ku yeeshay.