U bood dhigaalka

Maxaa looga hadlay kulanka madaxda sare ee Soomaaliya iyo Itoobiya?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho ku jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa halkaas kulan gaar ah kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed.

Kulankan ayaa hordhac u ah is aragyo gaar gaar ah oo Madaxweynaha Soomaaliya uu ka yeelanayo madaxda ka qeyb-galaysa Shirweynaha Qaramada Midoobey ee Sugnaanta Cuntada Adduunka, oo lagu falanqeynayo xal u helidda caqabadaha ku xeeran helitaanka cunto ku filan dunida, gaar ahaan dalalka ay saameeyeen abaaraha, colaadaha iyo isbeddelka cimilada.

Intii uu socday kulanka, labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyaga oo si gaar ah u dul istaagay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo horumarinta dhaqaalaha gobolka Geeska Afrika.

Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhowaan heshiis hordhaca ka gaaray xiisad muddo ka dhex aloosnayd ayaa haatan u muuqanaya inay abuurayaan iskaashi iyo saaxiibnimo aan kalsooni badan ku dhisnayn.