U bood dhigaalka

Dibedbax ka dhan ah ciidanka Itoobiya iyo maamulka degmada Doolow oo ka dhacay magaaladaas

Xilli saacado ka hor ciidanka Itoobiya ay weerareen saldhiggii xarunta NISA ee magaalada Doolow, islamarkaana ay afduubteen ciidankii ku sugnaa iyo Taliyahoodii, ka dibna taliskii gubeen ayaa waxaa degmada ka bilowday bannaanbax ay sameynayaan dadweynuhu, kaas oo lagu diidanyahay tillaabadii ay ciidanka Itoobiya xalay qaadeen.

Dadka bannaanbaxaa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah ciidanka Itoobiya iyo maamulka degmada, ayadoo sheegay inay aad uga caraysanyihiin dhacdooyinka foosha xun ee ciidanka shisheeye ay ka samaynayaan gudaha deegaankooda.

Ciidanka Itoobiya ayaa la xaqiijiyay inay ciidankii dowladda ee joogay Doolow qaarna dileen, qaar kale oo taliyihii nabad sugiddu ku jirona ka kaxaysteen, ayadoo ilaa haatan aan la garanayn meesha ay la aadeen, sidoo kalena waxay gubeen taliskii nabad sugidda ee Doolow.