Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxaya weerar ay ciidanka Itoobiya ku qaadeen xarumo ciidanka DFS ay ku lahaayeen Doolow

Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxaya Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay ciidanka dowladda Itoobiya ku qaadeen xarunta hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka(NISA) ay ku lahayd degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Ciidamada Itoobiya oo ay weheliyaan kuwa ka amar qaata maamulka Jubbaland ayaa xalay fiidnimadii weerar culus ku ekeeyay taliska nabad sugidda Doolow, waxaana halkaas ka qarxay dagaal aad u culus oo hubka noocyadiisa kala duwan laysku adeegsaday, sida ay sheegeen saraakiil amni iyo goobjoogeyaal ku sugan magaaladaasi.
Dagaalkan ayaan ilaa hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhacay la xaqiijin, lamana oga sida ay xaaladdu ku dambayn doonto maadaama ciidamadii dagaalamay ay weli gudaha degmada isku hor fadhiyaan, sida xogihii ugu dambeeyay ee laga helay Doolow ay tilmaamayaan.
Ciidanka Itoobiya oo garab siinaya kuwa maamulka Jubbaland ayaa bilow ka hor askar ka tirsan ciidanka qaranka ku laayay degmadaasi Doolow, wuxuuna weerarkani ku soo beegmayaa xilli madaxweynaha Soomaaliya uu ku suganyahay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Itoobiya oo soohdin dhuleed la wadaagta dhammaan dowlad goboleedyada dalka ayaa faragelin aan caadi ahayn ku ahaysa dowladnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, ayadoo askartii bilo ka hor at ciidamadeedu Doolow ku dileen aan dhiiggooda cidina wax iska weydiin.