Maxaa ka jira in ciidanka Itoobiya ay gubeen taliskii nabad sugidda Doolow,askartii joogtayna Afduubteen ?

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya dagaalkii xalay degmadaas ka dhacay ay ku gubeen taliskii nabad sugidda qaranka, islamarkaana askartii joogtay waxna ay dileen, qaarna afduubteen oo gudaha Itoobiya u wateen.
Degmada Doolow ayaa waxaa xalay ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidan tiro yar oo ka tirsan booliiska iyo nabad sugidda Soomaaliya iyo ciidanka Itoobiya oo garab siinaya maamulka magaaladaas, waxayna ciidanka Itoobiya dagaalka u adeegsadeen madaafiicda culus oo ay ku burburiyeen goobo badan oo xarumo dowladeed ay ku jiraan.
Intaas ka dib sida ay wararku sheegayaan ciidanka Itoobiya waxay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah ciidanka dowladda iyo taliyahoodii, ayagoo u kaxaystay gudaha dhulka Itoobiya maamusho ee deegaanka Soomaalida, halka askarta qaarkoodna ay dagaalka ku dhinteen.
Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliyaha nabad sugidda labaduba ay ku suganyihiin caasimadda Dalka Itoobiya ee Addis Ababa, islamarkaana ciidanka ku sugan Doolow aysan ka tirsanayn howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Dhanka kale maamulka Jubbaland oo war ka soo saaray dagaalka Doolow ayaa sheegay in ciidanka DFS ay weerareen xarumaha ciidamadooda, islamarkaana ay iska difaaceen, ayagoo eedeyn culus u jeediyay madaxtooyada Soomaaliya.