U bood dhigaalka

Puntland oo ku baaqday in DFS iyo dowlad goboleedyadu ay iskaashi ka yeeshaan dagaalka Alshabaab 

Dowlad goboleedka Puntland oo war saxaafadeed ka soo saartay dagaalkii ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa cambaareysay weerarka ay Alshabaab ku qaadeen magaaladaas, yadoo PL tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay.

Sidoo kale, Puntland waxay si gaar ah u boggaadisay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ah ee difaaca adag ka muujiyay Maxaas, iyagoo caddeeyay geesinimo iyo u heellananta ilaalinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

War saxaafadeedka ka soo baxay Puntland ayaa lagu muujiyay walaac weyn oo ku aaddan dhaqaaqyada sii kordhaya ee kooxda Al-Shabaab iyo isku daygeeda ah in ay dib u qabsadaan deeggaanadii horay looga saaray iyo kuwo cusub oo muhiimad juqraafi leh, kuwaas oo ay kamid yihiin Sabiid iyo Caanoole oo dhowaan ay kooxdu weerartay.

Puntland ayaa ugu dambeyn ku baaqday in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada xubnaha ka ah, gaar ahaan Galmudug iyo Hirshabeelle ay iskaashi dhab ah ka yeeshaan dagaalka Alshabaab si looga hortago dhaqdhaqaaqa sii kordhaya ee ay kooxdaasi waddo.