Maxaa laga yaqaannaa diyaaradda Airbus A320 ee Soomaaliya ay soo iibsatay ?

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay soo iibsatay laba diyaaradood oo nuucoodu yahay Airbus A320, kuwaas oo ku howlgeli doona magaca iyo calanka qaranka, islamarkaana dib loogu howlgelin doono shirkaddii diyaaradaha Somali airlines.
Airbus A320 waa diyaarad rakaab oo nooca ganacsiga ah, waxaana soo saarta shirkadda caanka ah ee diyaaradaha ee Airbus SE, oo xarunteedu tahay magaalada Toulouse ee dalka Faransiiska, waxaana la soo saaray sanadkii 1987-dii, ayadoo la howlgeliyay 1988-dii.
Diyaaradaha Airbus A320 waxaa loogu talagalay duullimaadyada masaafada gaaban ilaa kuwa dhexe, waana mid ka mid ah diyaaradaha ugu isticmaalka badan dunida, waxayna diyaaradahani ka koobanyihiin noocyada A318, A319, A320, iyo A321.
Dhinaca Farsamada dhererka diyaaraddani waa 37.57 mitir, ayadoo baalasha garbaheedu ay gaarayaan 35.8 mitir, halka jooggeedu yahay 11.76 mitir, waxaana halkii mar ku safri kara 180-186 qof.
Masaafada duulimaad ee diyaaradani waa qiyaastii 6,300 km, ayadoo xawaaraha ugu badan ee ay saacaddii jari kartaahi uu yahay qiyaastii 871 km/h, waxaana ku rakiban matoorka loo yaqaanno CFM56 ama IAE V2500.
Dhanka Tignoolajiyadda casriga ah, airbus A320 waa diyaaraddii ugu horreysay ee isticmaasha “fly-by-wire” oo ah nidaamka elektaroonigga ah casriga ah ee xakameeya duulista halkii laga isticmaali lahaa xarigyo iyo tuubooyin, waxayna sidoo kale leedahay hannaan 15-20% yareeya isticmaalka Shidaalka.
Airbus A320 waxaa isticmaala in ka badan 300 shirkadood oo diyaarado ah oo caalami ah, waxaana ka mid ah,Qatar Airways,Turkish Airlines, Lufthansa iyo qaar kale, waxayna noqotay mid ka mid ah diyaaradaha ugu badan ee hawada saaran maanta, iyadoo lagu ammaano hufnaanta, kalsoonida, iyo tamarta-badbaadinta, ayadoo ay ka howlgeli karaan laba duuliye iyo ilaa 4-6 shaqaale ah.