U bood dhigaalka

Maxay ka dhigantahay soo celinta Somali airlines?

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay 34 sano ka dib dhowaan ay dib u howlgelin doonto diyaaraddii qaranka ee Somali airlines, waxaana arrintaas warbaahinta u sheegay wasiirka gaadiidka iyo duulista Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Faarax Nuux.

Dowladda ayaa heshiis ay ku soo iibsanayso laba diyaaradood oo nuucoodu yahay Airbus A320 la gashay shirkad ajanabi , waxayna diyaaradahaasi ku howl gali doono muddo laba bilood gudahood ah, ayagoo ku duuli doona magaca iyo calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Somali airlines oo la aas-aasay  sanadkii 1964-kii ayaa sideetameeyadii iyo tobaatameeyadii sumcad weyn ku lahayd dunida, gaar ahaan Afrika, waxaana si isku mid ah ugu safri jirey madaxda iyo rakaabka shacabka ah, nasiib darro’se waxay kamid noqatay hay’adihii qaranka ee ku burburay dagaalladii sokeeye.

Xilligan waxaa dalka ka howlgala ku dhowaad 10 diyaaradood oo ay leeyihiin dowlado kale iyo 20-tameeyo kale oo gaar loo leeyahay, waxayna madaxda dalku ku safraan diyaaradahaas oo qarash badani ku baxo, sumcadda qarankana aan u wanaagsanayn.

Haddaba sida ay xeeldheereyaashu qabaan dib u howlgelin Somali airlines waxay xoojinaysaa sharafta dowladnimada Soomaaliya, waxayna kaalin weyn ka qaadan doontaa kobaca dhaqaalaha dalka, ayadoo meesha ka saari doonta malaayiin dollar oo ku bixi jirey ku duulista diyaaradaha shisheeye.