Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga amni ee ka dhexeeya

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo hormarinta kaabayaasha hay’adaha ammaanka oo dhanka Soomaaliya muhiim weyn u leh.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu, ayadoo kulankaas diiradda lagu saaray iskaashiga amniga iyo taageerada ciidanka.
Taliyaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada ay siiso Soomaaliya, halka Safiirka uu xaqiijiyay in Shiinuhu diyaar u yahay sii xoojinta xiriirka labada dal, ayadoo muhiimad weyn la siinayo garab istaag Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.
Soomaaliya oo maraysa waqti xasaasi ah, islamarkaana la daalaa-dhacaysa dagaal argagixiso iyo Faragelin caalami ah ayaa si weyn ugu baahan taageerada dalalka waaweyn ee dunida oo Shiinuhu kamid yahay, ayadoo maamulka Taiwan uu dhowaan heshiis la galay dhinaca Soomaaliland.