Soomaaliland oo ku baaqday in loo gurmado dadka abaartu saamaysay

Madaxweynaha Soomaaliland oo ka hadlay abaaraha ka jira qaar kamida deegaannadaa gobollada xeebaha dhaca ayaa sheegaya in abaaruhu ay saameyn ku yeesheen laga soo billaabo Lawyada caddo oo gobolka Awdal ka tirsan ilaa Laasqoray, wuxuuna xaqiijiyay in xoolihii ay intoodii badnaa ay dhinteen, dadkuna ay hadda geeri qarka u saaranyihiin.
Madaxweyne Cirro waxa uu ka digey in Abaaruhu ay sii jiri karaan bilaha soo socda oo aan roob la filayn, wuxuuna ganacsatada iyo dalalka dunida ugu baaqay in gargaarka degdeg ah la gaarsiiyo dadka Abaaruhu saameeyeen oo haatan wajahaya xaalad adag.
Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa noqatay dalkii ugu horreeyay ee ka jawaaba baaq ay horey u direen madaxda Soomaaliland iyo kuwa DFS, waxaana saacado ka hor Jabuuti ay Soomaaliland ku wareejisay deeq raashiin ah oo loogu talo-galay dadka ku nool deegaannada ay Abaaruhu ka jiraan.
Si kasta ha ahaatee Soomaalida oo looga bartay inay si weyn isku garab istaagaan xilliyada ay xaaladaha adag wajahayaan ayaa haatan laga sugayaa inay dal iyo dibedba uga gurmadaan dadka ay Abaaruhu saameeyeen oo xaaladooda nololeed aad looga dayrinayo.