U bood dhigaalka

Maamulka cusub ee deegaannada SSC oo lagu dhawaaqay iyo DFS oo aqoonsatay

Sheeko:War

Ka dib muddo uu shirar ka socdeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaa si rasmi ah loo shaaciyay magaca, astaanta, iyo calanka maamulka deegaannadaas kamid noqanaya dowlad goboleedyada dalka ee xubinta ka ah JFS.

Magaca rasmiga ah ee Maamulka ayaa laga dhiga Waqooyi bari Soomaaliya, ayadoo calankana laga dhigey midabyada baluugga,cagaarka, iyo caddaan xagal ah oo faras dhexda kaga jiro, waxaana durba dhammaystirka dowlad goboleedkan cusub soo dhoweeyay masuuliyiin hore iyo xubno ka tirsan goleyaasha DFS.

Sidoo kale waxaa la soo bandhigay dastuurka maamulka, waxaana caasimadda loo aqoonsaday Laascaanood, halka baarlamaanku uu ka koobnaan doono 83 xubnood oo sida la sheegay si qof iyo cod ah loo dooran doono.

Si kastaba ha ahaatee maamulkan cusub ayaa noqanaya dowlad goboleedka 7-aad ee dalka markii lagu daro 5 maamul oo ka horreeyay iyo gobolka Banaadir, balse wuxuu wajahayaa caqabo xooggan iyo diidmo siyaasadeed oo saameyn toos ah ku yeelan kara.