U bood dhigaalka

Maxaad ka ogtahay Sooyaalka fog ee cabidda Qaxwada iyo meelaha laga soo saaro?

Sheeko:War

Qaxwadu waa Cabbitaan bun la shiiday laga sameeyo oo kulul, kaas oo badanaa subaxda hore iyo galabtii shaah ahaan loo cabbo .

Magaca cabitaankan waxaa laga soo minguuriyay Afka Carabiga , balse afafku markii ay eray kale u qaataan dhawaq ahaan iyo qoraal ahaanba isbadal baa gala:
>Af-Carabi : Qahwah
>Af-Soomaali : Qaxwe
>Af-turkiga : Kahve
<span;>Af-ingiriiska : coffee

➥ Soo if-bixii koowaad ee Qaxwada waxaa lahaa oo baray caalimkii weynaa, Sheekhii  Abuu bakar Bin Cabdillaahi Al-Shaadali , oo loo yaqaanay Al-Caydaruusi, kaas oo kamid ahaa culimadii Suufiyada.

Sheekhu waxa uu ahaa dhul mareen, isagoo dhanka xabashida u socda ayuuna arkay geedka Bunka, ka dib waxa uu ogaaday in laga heli firfircooni (dhiifo) iyo soo-jeed , kadib markii uu kariyay, uuna cabay sheekhu.

Shiikh Abuu bakar sidoo kale waxa uu faray xertiisii iyo dadkii raacsanaaba in ay cabaan qaxwada sidaa ayayna cabidda qaxwadu ugu dhex faafay culamadii Suufiyada ee noolaa xilligiisii iyo ka dibba, sida ay taariikhyahannadu sheegaan.

Deegaankii  koowaad ee laga cabo Qaxwadu waxa uu ahaa Yaman,  soomaaliyana ku dar maxaa yeelay geedkaan waxa uu ka bixi jiray baadiyaha Saylac sida uu ku sheegay Ibnu Xajar kitaabkiisa Al-iicaab, balse qaxwuhu waa wax soosaar Islaami ah iyo daahqaad wax tar u yeeahay gabi ahaan Caalamka .

Sida loo badinayo Qaxwadu waxa ay soo if-baxday qarnigii 10-aad ee hijriga oo ku beegnaa qarnigii 15-aad ee miilaadiga , waxa ayna ka tillaabtay Yaman, iyadoo gaartay isla qarnigaas15m dhulka Xijaas( Sucuudiga), Shaam , Masar iyo deegaanno kale ,  kadibna waxa ay u sii tillaabtay Istanbuul  oo aheed xaruntii hoggaanka dowladda Cuthmaaniyiinta, halkaas oo ay ku sii faaftay Oraba ( yurub ) qarnigii 17m .

Qaxwada soo if-baxeedii waxaa la kowsaday in la isku khilaafo ma xalaalbaa mise waa xaaraan ? , isku maan-dhaafkaas waxa uu ku soo idlaaday hubin iyo cabir diimeed kadib in ay tahay xalaal, cabiddeeduna tahay mubaax ( cabid bannaan sharci ahaan ) .

markii ay gaartay qaxwadu Rooma oo ah xarunta boobka  buuq ayaa ka kacay kaniisadaha, kaas oo u dhexeeyay qasaawisada, waxa ayna ku tilmaameen in ay tahay xoola  Sheydaan, balse markii ay arkeen carafteeda waxa ay go’aansadeen in uu dhadhamiyo Boobka ugu sareeya waxa uuna yiri : cabitaanka sheydaanku waa cabitaan aad u macaan , waa in aan ka dhigno cabitaan Kirishtaan .

La isku wada arag cabidda qaxwaha .

➥ Bunka : Soomaalidu way cunaan, wayna cabaan , waxaana u badan dadka xeebaha dega iyo reer magaalka , gaar ahaan dadka waawayn ayaa u badan , deegaannada qaar waxaa loo keenaa sharfid ahaan oo qofkaan bun loo soo dubin si wacan loo ma sooryeyn .

➥ Hadda dhallinyaradu ma adeegsadaan qaxwo ee waxa ay adeegsadaan cofee, iyagoo ka raadinaya eragaa ilbaxnimo .

➥ Ugu danbeentii bunku inkastoo dalal badan oo dunida kamid ah ka baxo, haddana sidoo kale waxaa lagu tiriyaa geed soomaali, waxaana tusaale cad u ah in dhulka soomaaliya mar lagu magacaabi jiray dhulkii bunka أرض البن.
<span;>W/Q: Shiikh Maxamed Aadan Mu’min محمد ءادم مؤمن الاشعري