Puntland oo loogu baaqay in soo dhowayso maamulka cusub ee Waqooyi bari
Sheeko:War

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi bari Soomaaliya ayaa Xukuumadda Siciid Deni ugu baaqay in aysan dhib u arkin jiritaanka maamulkaas ee ay soo dhoweyso.
“Dowladda Puntland waxaan ka rajaynayaa in aysan sharaysan maamulka cusub ee ay soo dhawayso; waxa idinka dhexeeya baa ka wayn waxa yar ee aad isku haysaan.” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Puntland, sidoo kale soo noqday Ra’iisul Wasaaraha DFS.
Puntland ayaa si weyn u diidan dhismaha maamulka Waqooyi bari oo ay ku midoobeen gobollada Sool, Sanaag, iyo deegaanno kamid ah Togdheer, waxayna Xukuumadda Siciid Deni dhaqdhaqaaq ka wadddaa deegaanno ka tirsan Sanaag si ay u xoojiso joogitaankeeda aaggaas.