Dowladda Soomaaliya oo ka digtay Maalgelinta argagixisada

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in Ramadaan Caydaruus Cali, oo loo haysto eedeymo culus oo la xiriira maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda, la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in Ramadaan lagu eedeeyay in uu akoonnadiisa ku marsiiyay lacago badan oo si toos ah loogu maalgeliyay kooxaha argagixisada, si ay u fuliyaan falal liddi ku ah amniga dalka.
Maxkamaddu, kadib markii ay dhageysatay warbixinta hordhaca ah ee xafiiska xeer ilaalinta, waxay go’aamisay in eedeysanaha lagu hayo xabsi ku meel gaar ah inta baaritaanka kiiska laga dhammaystirayo.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa adkeeyay mowqifkiisa ah inuu si xooggan ula dagaallamayo maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqista, isagoo uga digay cid kasta oo ku lug leh arrimahan in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.