U bood dhigaalka

Suuqa Siiney oo saaka laga guurayo iyo ciidamo aaggaas buux dhaafiyay

Suuqa Siiney oo kamid ah suuqyada ugu waaweyn magaalada Muqdisho ayaa saaka laga rarayaa dadkii deganaa, ayadoo ciidamo faraha badan oo kuwa dowladda ka tirsani ay meel walba taaganyihiin.

Suuqan oo isugu jira goobaha ganacsi iyo xaafado deegaan ah ayaa dadka lagu amray inay si degdeg ah uga guuraan, ayadoo guri walba ay askar aad u hubaysani hortaaganyihiin, dadkuna ay alaabtooda halkaas ka raranayaan.

Qaar kamid ah howlwadeenada goobjoog news oo booqday aaggaas ayaa xaqiijiyay in ciidanka dowladdu ay ku suganyihiin isgosyka Siiney ilaa halka loo yaqaanno beerta Qaraha, ayadoo dadka lagu amrayo inay halkaas isaga guuraan.

Dhanka kale ciidan hubaysan oo ka soo horjeeda howlgalka halkaas ka socda ayaa ku sugan qeybo kamid ah suuqa sida ay dadka deegaanku xaqiijiyeen, balse amarka lagu bannaynayo dhulkaas oo intiisa badan dan guud ah ayaa u muuqda si dhab ah u dhaqan-gelay.

Qaar kamid ah dadweynaha iyo ganacsatada suuqa Siiney ayaa inoo sheegay in waqti loo qabtay aanu ahayn mid ku filan oo ay ku guuri karaan, balse ma jirto fursad kale oo u furan markii la eego sida ay wax u socdaan, waxayna arrintani saamaynaysaa kumanaan dad ah oo isugu jira dad deegaan ah iyo kuwa halkaas nolol maalmeedkooda ka raadsan jirey.