U bood dhigaalka

Dhcdo naxdin leh oo ka dhacday magaalada Cadaado

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud dhacdo aad u naxdin badan ayaa ka dhacday magaaladaas, ka dib markii gabar yar halkaas si xun loogu dilay.

Gabadhahan oo da’deeda lagu sheegay 8 jir ayaa meydkeeda laga helay musqul gudeheed, balse markii la baaray waxay masuuliyiintu sheegeen in dilka ka hot kufsi loo geystay oo si xun loogu xadgudbay.

Laamaha ammaanka Galmudug ayaa wada baaritaan lagu raadinayo dadkii falka geystay, waxayna dhacdadani kamid tahay xadgudubyo ah kufsi iyo dil isku dar ah oo sanadihii dambe dalka ku soo badanayay.