Maxkamadda Ciidamada oo ku Fulisay Dil Toogasho ah Saddex qof oo Ka Tirsan kooxda Shabaab
Sheeko:MAXKAMADDA CIIDAMADA

Muqdisho – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u fulisay xukun dil toogasho ah oo lagu riday saddex eedeysane oo ka tirsanaa kooxda Shabaab, kuwaasoo lagu helay dambiyo culus oo la xiriira dilal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gudaha Caasimadda Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Hoose.
Saddexda qof ee la toogtay ayaa kala ah:
Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye)
Cabdi Xassan Rooble (Afeey)
Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka)
Sida lagu sheegay war ka soo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida (المحكمة للقوات المسلحة), raggan ayaa horay loogu helay dambiyo argagixiso ah oo ay ka mid yihiin weerarro dil ah oo ay geysteen shacabka iyo ciidamada ammaanka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac.