U bood dhigaalka

Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaalka ka socda duleedka Baladxaawo 

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo saaka ka billowday duleedka magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo, halkaaas oo ay isku hayaan ciidamo ka kala tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Dagaalka ayaa ka socda aagga deegaanka tuulo amiin oo maalmihii la soo dhaafay fariisin u ahaa ciidamadii Jubbaland ee horay looga saaray magaalada Baladxaawo, waxayna xubno ka ag dhow dhinaca Kismaayo sheegeen in ciidankooda weerar lagu soo qaaday.

Deegaanka oo u dhow soohdin beenaadka dhinaca Kenya ayaa waxaa muddooyinka isku aruursanayay ciidamo taageersan Jubbaland, lamana oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka iyo sida ay xaaladdu ku dambeyn doonto.