Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo oo Xukun dil ah ku fulisay Askar horay u dilay taliye Ciidan
Sheeko:MAXKAMADDA CIIDAMADA

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta fulisay xukun dil ah oo horey loogu riday laba askari oo hore uga tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Labada askari oo kala ah Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable Aadan Isaaq Yarow, oo loo yaqaanay “Salaad Koofi”, ayaa ka tirsanaan jiray Guutada 14-ka Oktoobar, balse lagu helay dambiga ah in ay u shaqaynayeen kooxda Al-Shabaab.
Eedeysanayaasha ayaa lagu caddeeyey in ay ka dambeeyeen dilka Abaanduulihii Ururka 83-aad, Ex Dhamme Ceydiid Maxamed Cali, kaasi oo lagu qarxiyey miino lagu aasay sariirtiisa xilli uu ku sugnaa hoygiisa.
Maxkamadda Ciidamada ayaa horey ugu xukuntay dil toogasho ah, waxaana maanta lagu fuliyey xukunkaas si waafaqsan sharciga ciqaabta ciidamada.