U bood dhigaalka

Maxay dhigantahay diiwaangelinta xaaladaha guurka iyo furriinka ee DFS dhowaan ku dhawaaqday?

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay in dallka laga Hirgelinayo hannaanka Diiwaangelinta Guurka iyo Furiinka, iyadoo tallaabadani qeyb ka tahay mashruuca dhismaha nidaamka diiwaangelinta muhimka ah ee rayidka ee loo yaqaanno  “Civil Registration and Vital Statistics  (CRVS)”.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Arrimaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa sheegtay in nidaamkan cusub uu xaqiijinayo in guurka iyo furiinka loo diiwaangeliyo si sharci ah, laguna kaydiyo keyd ammaan ah oo qaranku leeyahay, taasoo ka hortageysa guur been-abuur ah iyo khilaafaad sharciyeed.

Sida uu qorshuhu dhigayo, lamaane kasta oo is guursada ama kala taga waxaa laga doonayaa in ay soo gudbiyaan dukumentiyada loo baahan yahay si ay u helaan shahaado rasmi ah oo guur ama furiin ah, ayadoo Shahaadadaasi muhiim u tahay xaqiijinta xuquuqda dhaxalka, mas’uuliyadda carruurta, iyo helitaanka adeegyo ay ka mid yihiin baasaboorka, caymiska caafimaadka, iyo deeqaha waxbarasho.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa tilmaamay in nidaamkan lagu fulin doono hab casri ah oo elektaroonig ah, laguna tijaabiyey degmooyin badan, iyadoo qorshuhu yahay in mustaqbalka dhow la gaarsiiyo dhammaan dalka iyo safaaradaha dibadda.

Tallaabadani ayaa loo arkaa mid xoojinaysa dowladnimada casriga ah, isla markaana kor u qaadaysa hufnaanta adeegyada bulshada iyo kalsoonida shacabku ku qabaan hay’adaha dowladda.